Saraakiil ka socda Maraykanka oo ku sugan K/Waqooyi

763

Saraakiil  ka socda dowladda Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin dalka Kuuriyada Waqooyi.

Arimahan ay u joogaan Kuuriyada Woqooyi ayaa la sheegay in ay tahay sidii uu suurtoobi lahaa shir madaxeedka ay yeelanayaan Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Sare ee dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay in wada xaajood ka socdo dhanka Woqooyiga ee magaalada Panmonjom ee ku taalla xadka labada Kuuriya u dhexeeya ee milatariga ka caaggan.

Danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyey Kuuriyada Koonfureed, Sung Kim, oo hogaaminaya wefdiga Maraykanka ah yaa la shiraya Choe son Hui, oo ah wasiir ku xigeenka arimaha dibadda Kuuriyada Woqooyi.

Shirka oo markii hore labada dhinac ay Ku balameen inuu dalka Singapore uu ka dhaco 12-ka Bisha soo aadan ee June, ayaa dhowaan madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump waxaa uu sheegay in uusan ka qayb gali doonin shirka.

Waxaa uu u sababeeyay hadalo iyo cadaad xad dhaaf ah oo ka imaanaysay Kuuriyada Waqooyi.

Go’aankiisa Ku aadan baajinta shirka Singapore, madaxwayne Trump, ayaa sheegay in shirka wali macquul ay tahay in uu u dhaco sidii horay loo qorshaynayay.