Muqdisho (UM) – Waxaa maanta ka qalinjabiyay kulliyadda tababarada ee Turk-Som ciido sarkiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidankaan isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno muddo hal sano ah tababar ku qaatay gudaha dugsiga tababarka Turki-Som ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa maanta tababarka u soo xiray wasiirka Gaashaandhigga iyo TaliyahaTaliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo saraakiil Sare oo Turki ah oo ka tirsan Kulliyadda tabarada ee Turki-Som. waxaana maanta loo dhaariyay Ciidankaasi
Xafladda dhaarinta ayaa waxaa ka soo qeybgalay danjiraha dowladdaTurkiga ee Soomaaliya, Wakiilo ka socday Ciidanka Xoogga Turkiga, Saraakiil iyo madax ka socday Wadamada Caalamka.
Ciidankaan ayaa muddadii tababarka uu u socday waxaa la baray Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Sharciyadda Ciidanka Xoogga dalka, Habka dagaalka oo Baraatiko ay la socoto iyo Xogta Milatariga, si kor loogu qaado Xirfadooda.
Taliyaha Dugsiga tababarka ciidanka ee Turki-Som Omar Faruk ayaa sheegay in saraakiishaan maanta la dhaariyey ay isugu jiraan Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, waxaana uu xusay ay qaateen tababaro kala duwan oo heer sare ah.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka.
185 saraakiil ayaa ka qalinjabisay Kulliyadda tababarka Turki-Som ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Turkiga ayaa dowladda Ciidamada Soomaaliya siisa tababar kale duwan oo gudaha dalka iyo dibadda ah.