Sanna Marin, oo da’deedu tahay 34 jir, ayaa noqon doonto Ra’iisul Wasaaraha adduunka ugu da’da yar iyadoo madax ka ah dowladda isbahaysiga dumarku hoggaamiyo ee Finland.
Wasiirka gaadiidka ayaa waxaa soo xushay xisbigeeda Social Democratic Party si ay xilka ula wareegaan ka dib markii Ra’iisul wasaare Antti Rinne shaqada ka tagtay. Waxaa la filayaa in la dhaariyo toddobaadkan.
Waxay hogaamin doontaa isbahaysi bidix dhexe oo ka kooban shan qaybood oo dhamaantood ay hoggaamiyaan haween.
Mr Rinne ayaa iscasilay ka dib markii uu lumiyay kalsoonida xubin ka mid ah isbahaysiga uu ka qaatay habka uu maamulay shaqa joojintii boostada.
Marka ay xafiiska la wareegto, Ms Marin waxay noqon doontaa Ra’iisul wasaaraha dunida ugu da’da yar. Ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern waa 39 jir, halka Ra’iisul wasaaraha Ukraine Oleksiy Honcharuk waa 35 jir.