Senator John McCain oo ka tirsanaa Aqalka Senate-ka Mareykanka, ahaayna rugcaadaa siyaasideed ayaa geeriyooday.
Senator McCain oo Aqalka Senate-ka ku matalayay Gobolka Arizona muddo 35 sanadood ah, ayaa u geeriyooday xanuunka Kansarka maskaxda. Waxa uu ahaa 81 jir. Qoyskiisa ayaa ku xaqiiqayay geerisiida war qoraal ah ay soo dhigeen Twitteka.
Senator McCain oo ka mid ahaa siyaasiyiinta aadka u cambaareeya siyaasada Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale u tartamay madaxtinimada dalka Mareykanka sanadkii 2008-dii.
Madaxweynayaashii hore ee Mareykanka oo ay ka mid yihiin Barak Obama iyo Goerge W. Bush iyo mudanayaasha labada Aqal ee Mareykanka, hoggaamiyeyaal badan oo caalamka ah ayaa ka ticsiyadeeyay geerida Senator John McCain.