Ciidamada Israel ee Ku sugan xadka lagu murunsan yahay ee Israel iyo Suuriya, ayaa lagu soo waramayaa inay gantaalo Ku garaaceen goobo koonfurta Suuriya ay kaga sugan yihiin dagaalyahnada kooxda Xisbullah.
Gantaada ayaa ciidamada Yahuuda waxaa la sheegay in ay ka tuureen dhulka loo yaqoono Golan Heights oo ah dhul buuraley ah oo Israel xoog Ku haysato.
Wakaaladda Wararka dalka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa Ku warantay in ciidamada Israel ay bartilmaameedsadeen deeganka Tulul al-Humur, oo ka tirsan gobalka Quneitra, ee dhanka koonfureed ee dalka Suuriya.
Dhanka kale, warbaahinta gudaha dalka Suuriya ayaa Ku waramay in qaraxyo waa wayn laga maqlay garoon diyaaradeed oo ay isticmaalaan maliteriga Suuriya kaasi oo Ku yaala gobalka Deir Ez-zour.