Muqdisho (UM) – Saldhiga Booliiska degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa lagu wareejiyay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kaddib dayactir ay ku samayeen hawlgalka Amisom iyo dowladda Japan oo iskaashanaya.
Taliyaha Ciidanka Boliiska AMISOM Christine Alalo oo munaasabaddii lagu wareejinayay Saldhiga dayactirka lagu sameeyy hadal ka jeedidisay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayaan tayaynta kaabayaasha iyo dhismaha awoodda Ciidanka.
Christine Alalo, ayaa sidoo kale sheegtay inay AMISOM ka go’an tahay inay tababarto oo ay qalabeyso Cidamada Boliiska Soomaaliyeed, si ay u helaan xirfado lagama maarmaanka u ah in ay daboolaan baahiyaha ka jira dalka.
Saldhiggan dib u dayactirka lagu sameeyay, ayaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qaybo cusub, waxaana lagu xiray Nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda ee Soolarka loo yaqaano, iyadoo Ciidankana loo qaybiyay 3,000 oo Buug Gacmeed ah, si ay ugu adeegsadaan diiwaan gelinta dhacdooyinka, sida ay sheegtay Taliyaha ciidanka Amisom, Alalo.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiya Xuseen, ayaa ugu mahad celisay AMISOM dedaalkii u dub dhexaad u ahaa howshan ee ay ku bixisay dib u dayactirka Saldhiggan, iyo caawinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Hawlgalka Amisom ee Soomaaliya ayaa tababaro kale duwan siiya ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.