Sagaal Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo shir uga furmay Muqdisho(Sawiro)

840

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxman Ducaale ayaa maanta Muqdisho ka furay shir ay ka qayb galayaan Sagaal Wasaaradood iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Shirkaan oo ku saabsan hagaajinta hanaanka Maaaliyadeed ee Dalka waxaa goob joog ka ahaa Xisaabiyeyaasha ka socda Wasaaradaha ugu shaqada badan XFS.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin  oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in hada hanaanka maaliyadeed ee Dalka uu aad uga wanaagsanyahay sanado ka hor sidii uu ahaa.

Sidoo kale Wasiir Bayle oo Shirka furay ayaa ku dheeraaday ka hadalka sida loogu baahanyahay in laga fogaado musuqmaasuqa, isagoo sheegay in dhawaan la rajeynayo in isku filnaasho lagaaro.

Shirkan ayaa imaanaya ayadoo maalmihii ugu damneeyay Wasaaradda maaliyaddu ay waday shirar iyo Tababaro kor loogu qaadayo aqoonta maamulayaasha maaliyadeed ee Hey’addaha Dowladda si wax isdaba marin looga fogaaado.