
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Kuwait ee dalka Kuwait ku geeriyooday Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar.
Allah u naxariistee Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo saaka aroortii hore, 10 May, 2020 ku geeriyooday Caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay halkasi sida ay xaqiijisay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Marxuum Cabdulqani Maxamed Waceys oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988, sida qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya soo saartay lagu xusay.
Waxaa uu soo noqday Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.
Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.
Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019.
Marxuum Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys ayaa ifka kaga tagay xaas iyo caruur.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxda wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys.