Safiirkii Kuuriyadda Waqooyi ee dalka Talyaaniga oo la waayay

626
Danjiraha Kuuriyadda Waqooyi ee dalka Talyaanigaayaa la waayay (AP: Parish Of Farra Di Soligo)

Hey’adda sirdoonka Kuuriyadda Koonfureed ayaa u sheegtay mas’uuliyiinta dalkaasi in Safiirkii Kuuriyadda Waqooyi ee dalka Talyaaniga la waayay.

Warkaan ayaa daba socda warar aan la xaqiijin oo sheegayay in safiirkii Kuuriyadda Waqooyi Talyaaniga u fadhiyay uu magangalyo weydiistay waddan reer galbeed oo aan la shaacin.

Jo Song-gil, Safiirka Kuuriyadda Waqooyi ee Rome, waa wiilka sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Kuuriyadda Waqooyi.

Diblomaasigii ugu dambeeyay ee goosta waxa uu ahaa safiir ku xigeenkii magaalada London ee dalka UK.

Thae Yong-ho, ayaa ka tagay jagadiisa sanadkii 2016-kii, isaga oo ay la socdaan carruurtiisa iyo xaaskiisa. Waxa uu u baxsaday Kuuriyadda Koonfureed.

Safiirka Kuuriyadda Waqooyi ee Talyaaniga oo noqoyana mas’uulkii ugu sarreeyay ee ka baxsada Kuuriyadda Waqooyi, ayaa waxa ay dharbaaxo ku noqonaysaa Xukuumadda Kim Jong-un. Waxa uu adduunka u sheegi doonaa isaga oo faafinaya macluumaadka Kuuriyadda Waqooyi si uu u xagal daaciyo Kim Jong-un iyo Xukuumaddiisa.

Mr Jo ayaa la rumaysan yahay in xaaskiisa ay la socoto.

Wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa BBC u sheegtay in wax codsi magangalyo ah aysan ka haynin Mr jo.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Talyaaniga markiii ugu dambeeysay ay maqleen ay ahayd mar ay soo gaartay warqad ka timid dowladda Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay in Mr Jo la bedelay.

Wargeys laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed oo lagu magacaabo JoongAng Ilbo oo soo xiganaya illo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Mr Jo iyo qoyskiisa ay hadda ku sugan yihiin “meel amni ah”