Safiirka UK ee Soomaaliya oo Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland

61

Garoowe – Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Ben Fender ayaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland kulan kula yeeshay Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka Dhexmaray Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo dhawr ku saabsan xaaladada Siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender booqashada uu ku yimi Puntland, waxa uuna sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey. Waxaana rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha intaba, waana uga mahadcelinayaa kulankii quruxda badnaa ee maanta na dhexmaray” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Ben Fender oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda.

“Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay , sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah”. Ayuu yiri Danjire Ben Fender.

SHARE