Safiirka UK ee Mareykanka: Maamulka Trump waa mid karti darro ay ka muuqato

677

Safiirka Britain u fadhiya dalka Mareykanka ayaa  warqado sir ah oo la faafiyay waxa uu ku tilmaamay maamulka madaxweyne Trump mid ay hareysay karti darro , xirfad  la’aan iyo jahwareer.

Kim Darroch oo ah safiirka Britain ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu sidoo kale warqadaha sirta ee uu faafiyay wargeyska  Mail ku sheegay in Aqalka Cad uu tan iyo intii uu Trump yimid xukunka ahaa mid kala qaybsan oo isku dhax yaacna ka jiro. Dhanka kale safiirka ayaa ka digay in ay wali rejo jirto oo aan gabi ahaanba la dhihi karin maamulka waa rejo beel.

Waaxda arrimaha dibadda ee Britain ayaa ku tilmaantay warqadaha la faafiyay kuwa dhib abuuri kara, hase ahaate meesha kama saarin saxnimadooda.

Aqalka Cad ayaan wali wax jawaab ah ka bixin warqadaha sirta ah ee la faafiyay , waxaana laga yaabaa in ay dhaawac u geysato xiriirkii gaarka ah ee ka  dhaxeeyay labada dal oo si weyn iskugu dhow.

Safiirka ayaa mid ka mid farriimaha uu helay wargeyska Daily Mail waxa uu ku sheegay in aysan rumeysneyn in maamulkaan uu noqon doono mid caadi ah oo ka maran isku dhexyaac, siyaasad ahaanna aan la saadaalin karin.Waxa kale oo safiirku uu tilmaamay in maamulka ay dhib weyn ku heyso hardan u dhaxeeya kooxo isdiidan, taas oo ka dhigeysa in la saadaaliyo dibloomaasiyad ahaan mid adag.

Maamulka Trump ayaa la kulmaya eeddii ugu cusleyd ee uu u jeedo safiir dal ay aad iskugu dhawyihiin. Booqashadii dhawaan uu Trump ku tegay dalka Britain ayuu safiirku sheegay in ay aad uga yaabisay oo xiiso galisay Madaxweyne Trump. Safiirka ayaa dhanka kale sheegay in Marayknu ay wali hageyso siyaasad daneysi ku dhisan oo ku saleysan aragtida Maraykanka ayaa leh muhiimadda koowaad.

Shakhsiyaad muhiim ah ayaa ka hadlay warqadaha la faafiyay waxaan ka mid shakhsiyaadka saameynta leh hoggaamiyaha xisbiga  Brexit, Nigel Farage oo si weyn u dhaliilay safiirka oo u ku tilmaamay mid aan u qalmin shaqada uu hayo.

Si taas la midi ah waxaa isagana aragtidiisa ka dhiibtay xogahayaha caddaaladda Britan David Gauke oo sheegay in ay muhiim tahay in safiiradu ay dalalkooda siiyaan talo runta ku qotanta, wuxuu se tilmaamay in faafintaas ay tahay mid sharaf dhac ah.

Safiirka ayaa farriin uu bishii hore diray ku sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Iiraan ay tahay mid si weyn u wareersan oo aan lahayn jiho loo raaco. Waxa uu su’aalay sheegashadii Madaxweyne Trump ee ahayd in uu baajiyay hawlgalkii Iiraan, isaga oo tilmaamay in aysan waxba ka jirin oo Trump ay hageyso ballan uu horay u qaaday xilligii ololaha doorashada Mareykanka oo  ku saabsaneyd in Madaxweyne Trump uusan lugta u galin doonin dalkiisa colaad dibadda ah.