Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Xubno La Socda Oo Libya Gaaray Iyo Soomaali Ay La Kulmeen

1659
Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gaarey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, si ay ugu kuur-galaan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliya ee ku xiran dalkaasi.
Xubnaha Wafdiga waxaa kamid Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, Dr Cali Saciid Fiqi, gudoomiyaha Gudiga Qaxootiga iyo Barakaciyaasha Axmed Daahir Cabdikariim iyo mas’uuliyiin kale.

Waxa ku sugan yihiin Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli, iyagoo halkaasi u tagey sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida tahriibka u tagey Libya ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo kadib markii ay soo baxeen tacadiyo qaxootiga loogu geysanayo wadanka Libya sida ay baahisay warbaahinta caalamka.

Libya hadda kama jirto dowlad awood leh, waxaana ku xoog badan malleeshiyaad iska soo horjeeda, waxaana lagu dhibaateeyaa muwaajiriinta ka tagey Africa inteeda kale ee doonaya inay gaaraan Yurub iyadoo muqaalo hore loo baahiyay lagu soo bandhigay muhaajiriin Afrikaan ah oo lagu kala iibsanayo.

Dhalinyarada Soomaalida ayaa markii ay tagana Libya la kulma xariga iyo Jirdil ay u geestaan Kooxda “Magefe” oo xiriir la leh shabakadaha dadka tahriibiya, waxayna ka qaataan lacago madax furasho ah iyadoo qaarkood loo geysto dhaawacyo halis ah halka qaarkoodna ay naftooda ku waayaan.

Safaaradda Soomaaliya ee Libya ayaa lagu eedeeyay inay howsheedii gabtay isla markaasna ay indhaha ka laabatey wax ka qabashada tacadiyada joogtada noqday ee muwaadiniinta Soomaaliya loogu geesto dalkaasi. Iyadoo dalalka ay ka soo jeedaan muwadiniinta kale ee Afrikaanka u badan ee lagu dhibaateeyo wadanka Libya ay gurmad u fidiyeen muwadiniintooda oo inta ogol inay dib ugu noqdaan dalalkooda ay ka daad gureyeen wadanka Libya.