Safiirka Shiinaha oo deeq gargaar ah ku wareejiyay Wasiir ku xigeen arrimaha Gargaarka Soomaaliya

570

Muqdisho (UM) Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian ayaa ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasiiradda arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ahna kusimaha wasiirka shixnad deeq gargaar ah oo looga talagay dadka barakacayaasha ee ay sameeyeen abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii hore.

Safiirka dowlaha Shiinaha Soomaaliya u fadhiya ayaa sheegay in kaalmadani ay ka kooban tahay booyadaha biyaha lagu keedsado, marakaneecooyin iyo teendhooyin Dowladda Shiinaha ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee barakayaasha oo ay abaaraha saameeyeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane oo la wareegay deeqda ayaa sheegay in dadka abaarahu ay saameeyeen ee gudaha dalka ku barakacay la gaarsiin doono deeqdaan Gargaarka ah.

Gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah ayaa waxaa sanadkii hore ku dhuftay abaar ba’an taasi oo aad u saamasay dadka reer guuraaga ah.

SHARE