Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay R/Wasaare Kheyre

159
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Muqdisho – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyago ka wadahadallay arrimo dhawr ah.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadlay qabsoomidda Doorashada heer qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale la xaqjiiyay inuu kala hadlay Ra’iisul Wasaare Kheyre in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka ay ka arrinsadaan arrimaha taagan ee dhanka Siyaasaddda, Doorashooyinka iyo amniga.

Kulankii la filayay inuu dhexmaro madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad Goboleedyada oo uu horey u shaaciyay Madaxweyne Farmaajo ayaa dib u dhinacay.

SHARE