Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda

757
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo kulan la yeeshay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Sawirka via Twitter.

Muqdisho – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Ambassador Yamamoto iyo Wasiir Beyle ayaa ka wadahadlay dib u habaybta Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay arrimaha deyn cafinta ee ay hormuudka ka tahay Wasiiradda Maaliyadda.

Ambassador Yamamoto ayaa sidoo kald wasiir Beyle iyo wasaaradda ku bogaadiyay hindse sharciyeedyada dhaqaale ee Baarlamaanka dhawaan meelmariyay oo ay ka mid yihiin, kan Iibka Qaranka iyo furdooyinka.

Barlamaajika deyn cafinta waxaa uu Soomaaliya uga dhigan yahay ” yareynta saboolnimada iyo kobaca dhaqaalaha ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Ambassador Yamamoto.