Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo Kismayo kula kulmay Axmed Madoobe

285

Kismaayo – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta garay magaalada Kismaayo ayaa kulan kula yeeshay garoonka diyaaraha magalaada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).

Danjire Yamamoto waxaa kulanka ku wehliyay Taliyaha howlgalka Africom Janeraal. Stephen J. Townsend.

Ambassador Yamamoto iyo Axmed Madoobe ayaa kulankooda uga hadlay arrimaha amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo xaalada ka taagan deeganada Gobolka Gedo oo dhawaan dowladu cidaamo badan geeysay.

Kulan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka, waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka, lagu xusay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madobe, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale la kulmay maray Madaxweyne Taliyaha howlgalka Africom Janeraal Stephen J. Townsend iyagoo si gaar ah uga wadahadlay howlgal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u bilaawday taageeradoo ay siin jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya taasi oo dhawr sano ka hor ay hakisay.

SHARE