WASHINGTON — Danjiraha Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Ambassador Nikki Haley ayaa iscasishay sida ay tabisay warbaahinta Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa ka aqbalay istaqaalada Ambassador Haley balse lama shaacin sababta ay shaqada uga tagtay waxa uuna sheegay in sanadka dhamaadkiisa ay shaqadu ka tagayso.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Ambassador Haley ay waqtiga kasta ku soo noqon karto maamulkiisa, jaga siyaasideedna ay ka qaban karto.
Ambassador Haley ayaa loo magacaabay jagada danjiranimo ee U.N. bishii Noveember ee sanadkii 2016.
Inta uusan madaxweyne Trump u magacaabin Qaramada Midoobay, Haley waxa ay ahayd barasaabka gobolka South Carolina, waxa ay ahayd haweenaydii ugu horresay oo xilkaas qabata.