Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya (Sawiro)

918

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xaafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya, Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna sheegay danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.