Safiirada cusub waa inay noqdaan kuwo ku yimaada karti, aqoon iyo hufnaan – UM

3878

Muqdisho (UM) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan lagu wadaa inay magacawdo tirro cusub oo Safiirro ah ka dib markii ay dib ugu yeertay sideed safiir sannadkii hore, oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya u fadhiyay UAE, Qatar, Kuwait, iyo Zambia. Danjirihii hore ee Kenya waxaa loo magacaabay wasiirka qorsheynta Qaranka iyadoo booskii safiirnimo uu bannaan yahay. Waqtiga xaadirka ah, kormeerayaasha iyo ilo wareedyo ku dhaw Madaxtooyada iyo Xaafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaqiijiyay inuu jiro liis ay ku jiraan danjirayaasha la magacaabi doono ee horeba loo dejiyay shaqooyinka safiirnimo ee bannaan balse waxaa jira khilaaf gudaha ah oo ka dhaxeeya labada xaafiis ee M/weynaha iyo R/wasaaraha oo ku aadan u magacaabista boosaska muhiimka ah shaqsiyaad ay labadda xaafiis kala wataan. Intaa waxaa dheer, qabiilada ay ka kala imaan donaan. Danjirayaasha ayaa weli ah kuwo isku-dheeli tirkoodu socdo iyada oo tiro murashixiin xilal doon ah ay u caddeeyeen Ummadda Media inay si firfircoon ugu ololeeyaan sidii ay uga tageero uga heli lahaayeen odayaasha beelaha ay ka soo jeedaan si ay ugu mid noqdaan safiirada la magacaabi doono. Inta badan xubnahan xusul duubka ugu jira qabashadda xilalka safiirnmo kama soo shaqeynin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ama hay’ad kale oo dowli ah oo la xiriirta dhinac kasta oo siyaasadda arrimaha dibadda ah.

Iyadoo maanka lagu hayo in waddanku yahay Soomaaliya, ma jiraan wax ka baxsan tartanka qabiilka ee hanashada jagooyinka muhiimka ah ee diblomaasiyadeed maxaa yeelay waxay la xiriiraan mudnaanta iyo sharafta u qidmeynta dalka iyo awood – qeybsiga dowladeed. Labadaba, madaxweynaja iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale culeysyo culus ka haystaan in ay ka farxiyaan qabaa’ilada iyagoo isla markaasna abaal-marinaya taageerayaashooda siyaasadeed. Tani ma aha xaalad ay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya si fiican ugu adeegi doonto sababtoo ah qeybtan aadka muhiimka ugu ah dowladda iyo dalkaba ma xamili kari doonto xubno aan ehel u ahayn shaqadda diblimaasiyadeed. Dhibaatada degdega ah ee dhabta ah ayaa loo baahan yahay in laga hortago iyada oo loo marayo qodobbada diblomaasiyadda Soomaaliya si ay uga badbaadiso khasaare dheeraad ah iyo suurtogalnimada in aan loo dulqaadan karin waqti iyo fursado kale oo daayacma.

Markii horeba, xilal diblomaasiyadeed oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Qaramadda Midoobay iyo Turkiga, ayaa lagu saleeyay magacaabis siyaasadeed. Waxaa xusid mudan in xilalkan lagu bixiyo magacaabis siyaasadeed ay macquul tahay inay majaxaabiyeen ixtiraamkii iyo dulqaadkii Dawladda Ingiriisku u heysay Soomaaliya, waxaana midaas ugu wacan, xubnihii dowladihii is-xig-xigay ee Soomaaliya oo safiiradii ay u magacabeen ingiriiska ay shaqooyinkooda ka tageen iyagoonba bilaabin ayna raadsadeen fursado kale ilaa laga soo bilaabo 2012 dii. Tani waa inay noqotaa wax laga xishoodo oo lagu beddelo jihada ugu macquulsan si deg-deg ah ay xukuumaddu u raadiso fullinta ajendaha isbedelka hab-dhaqanka dowladnimo ay wax badan shegeen inay hirgalinayaan.

Magacaabista safiirrada iyo darajooyinka diblomaasiyadeed ayay tahay sida ugu haboon inay soo marto Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyada oo loo deynayo tiro yar oo uu Sharciga Diblomaasiyasada u ogolonaayo Madaxweynaha inuu soo magacaabo kuwaas oo loo yaqaano “magacaabis siyaasadeed”. Wasaaradda arrimaha dibadda waa inay soo magacawdo xirfadlayaasha ugu mudan isla markaasna aqoon sare u leh kuwaas oo awood u leh inay ka shaqeyaan horumarinta danaha qaranka ee dadka Soomaaliyeed iyo Ummadda intaba. Ereyga muhiimka ah ee wadada loo marayo macagaabista diblomaasiyiinta ayaa ah  WAXAAN LEEYAHAY, sababtoo ah taariikhda, inta badan tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliyeed ayaa siyaasad ahaan dhiirrigelisay in mar walba madaxweynuhu uu soo magacaabo dhammaan safiiradda dibadda ku matalaya dalka. Waa arrin naxdin leh in qaar badan oo ka mid ah kuwii hore loo magacaabay aysan waligood ka soo shaqeynin Wasaaradda Arrimaha Dibadda isla markaasna aysan fahamsaneyn qorshayaasha siyaasadda qaranka ee arrimaha dibadda ee qaran ee loo diray inay fuliyaan.

Magacaabista ku saleysan siyaasadda ee diblomaasiiyiinta waa kuwo faa’iido leh marka ay leeyihiin xirfado iyo isku xirnaan ku saleysan danaha qaranka ee loo xilsaaray inay u adeegaan. Si kastaba ha ahaatee, waa inaysan noqon  dhammaan diblomaasiyiinta iyo darajooyinka kala duwan mid ku timaada magacaabis siyaasadeed. Xilligan hubaal la’aanta ah ee hadda lagu jiro ee aduunku sameynayo dib-u-gurasho  isla markaasna colaadaha sii kordhaya, nabadgelyo darrada caalamka iyo tartanka khayraadka ee u dhaxeeya quwadaha kala duwan ee caalamka, Soomaaliya waa inay u xulato la macaamilka dalalka kale xirfadlayaasha ugu tayadda badan ay heli karto, kuwaas oo ku yimaada mudnaan iyo xulasho dhab ah.  Kelliya Xubno ay Wasaaradda arrimaha dibaddaha ay ku keento khibrad iyo aqoon arrimaha Dibadda ah ayaa Soomaaliya hore u dhaqaajin kara.  Oo Kelliya kuwa ugu wanaagsan isla markaasna ugu mudan ayaa wax ku soo kordhin kara dibloomaasiyadda Soomaaliya iyada oo loo marayo in xilalka diblomaasiyadeed loo wakiisho kuwa wajihi kara caqabadaha adag ee ka imaan kara dalalka dibadda isla markaasna fahmi kara Madaxwaynaha Caqabadaha ay ka mid yihiin sida madaxweyne Trump, isla markaasna la jaan-qaadi kara xasaradaha ka taagan Gacanka carbeed iyagoo si dhaw ula shaqeynaya wadamadda deriskeena ah si loo xaqiijiyo danaha qaranka.sababtoo ah mar dambe Soomaaliya ma xamili karto dib u dhac dambe.

Ummadda Media waxay u rajeyneysaa wasiirka cusub ee wasaaradda arimaha dibada, Ambassador Axmed Cawad, guulo badan intuu hayo doorkiisa cusub. Si kastaba ha ahaatee, isaga, oo hore magacaabis siyaasadeed loogu xilsaaray inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee Washington, waa in uu dib u soo celiyaa xaqa uu u leeyahay inuu shaqadiisa qabto oo uu magacaabo diblomaasiyiinta ugu kartida iyo tayadda badan si uu sare ugu qaado calanka Soomaaliya isla markaasna meel sare u gaarsiiyo siyaasadda arrimaha dibadda.  Hadii midaas la waayo, waxay ku noqonaysaa, dib-u-dhac kale iyo karti-darro lagu laabto midaas oo horseedi karta inay dilanto niyadda ummadda Soomaaliyeed ee sugaya wax qabad iyo hufnaan.