Maanta oo Axad ah ayaa waxaa dalka Spain ku xirtay markab ay saaran yihiin in ka badan 600 oo muhaajiriin Afrikaan u badan, kuwaasi oo muddo todobaad ah loo diidanaa iney galaan dalka Talyaaniga iyo Jaziiradda yar ee Malta.
Muhaajiriintan ayaa si tahriib ah waxay uga baxeen dalka Liibiya, hase ahaatee waxaa badbaadiyey markab gargaar ah oo ay lahayd hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.
Markabka ayaa damcay in dadkaan laga dejiyo dekadaha dalka Talyaaniga, hase yeeshee waxaa loo diiday in laga dajiyo dalkaasi.
Si la mid ah waxaa la sheegay in dowladda dalka Malta ay ayaduna qaadatay go’aan la mid ah kan ay qaadatay xukuumadda Talyaaniga.
Dowladda Spain ayaa markabkii ka aqbashay in dadkaasi la keeno dalkeeda maadaama ay xaalad halis ah ku sugnaayeen.
Dowladda Faransiiska ayaa iyana dhankeeda sheegtay iney diyaar u tahay iney qaaddo qaar ka mid ah muhaajiriintaasi.
Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron, ayaa go’anka dowladaha Malta iyo Talyaaniga Ku tilmaamay midkii ugu xumaa dowladi ay qaadato muddo aad u fog ka dib.