Dhawr xabbadood oo laga soo riday gaari ayaa ku dhacday daaqad ku taal barta difaaca safaaradda maraykanka ee magaaladda Ankara ee dalka Turkiga.Rasaasta ayaan geysan wax khasaare ah sida ay sheegeen ciidanka ammaanka dalka Turkiga.
Weerarka ayaa dhacay 5tii subaxnimo ee xilliga Turkiga , waxaana la sheegay in weerarka lagu fuliyay baabuur cad.Booliiska ayaa wali goobaya cidda weerarka geysatay.
Saraakiil booliis ah oo goobta tagay ayaa arkay fooq rasaas oo meesha looga tagay iyo sidoo kale rasaas ka muuqata daaqada barta difaaca safaaradda.
Safaaradda ayaa lagu waday in la xiro maalinta barri ah maadaama ay tahay maalinta ciidda adxa.
Weerarka safaaradda ayaa imaanaya iyada oo xiriirka labada dal ee Maraykanka iyo Turkiga uu aad usii xumaanayo.Turkiga ayaa waxaa hoos u dhacay lacagteeda loo yaqaan Lirada, iyada oo madaxweynaha Turkigana uu ku baaqay in la qaadaco alaabada Maraykanka sida taleefoonada Iphonke ah.
Maraykana ayaa alaabada dalka Turkiga kusoo rogay canshuur dheeri ah si Turkiga loogu cadaadiyo in uu soo daayo wadaad Krishtaan oo Markaynka u dhashay kuna xiran dalka Turkiga.
Xiriirka labada dal ayaa aad usoo xumaanayay sannadahaan , weerarkaan waxaa laga yaabaa in uu xaaladda uga sii daro.