Safaaradda Maraykanka ee Israel oo Qudus si rasmi ah looga furay

857

Safaaradda Dowladda Maraykanka ee Israel ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah looga furay magaalada Barakaysan ee Qudus ee dhulka xoogga ay Ku haysato Israel.

Safaaradda Maraykanka ayaa laga soo wareejiyay magaalada Tel Aviv, oo caasimad u ah Israel.

Xaflad lagu furayay safaaradda lagu furayay ayaa lagu qabtay magaalada Qudus ayadoo hadalo uu halkaasi hadal ka jeediyay wakiilka Madaxwaynaha dalka Maraykanka uu u soo diray furitaanka safaaradda wiilka ugu sodaga u yahay oo la yirahdo Jarred  Kushner.

Safaaradda waxaa furay safiirka Maraykanka u fadhiya Israel David Freeman ayadoo ay joogtay gabadha uu dhalay madaxwaynaha Maraykanka oo Ivanka Trump.

Jarred Kushner, wakiilka Madaxwaynaha Maraykanka ahna la taliye sare oo Aqalka Cad ka tirsan ayaa xafladda furitaanka safaaradda ka sheegay in markan caalamka ay tusayaan in Maraykanka la aamini karo.

“Haddii Madaxwaynaha uu bal qaado, madaxwaynahu waa uu fulinayaa” ayuu Yiri Mr Kushner.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa horay ugu dhawaaqay in Magaalada Qudus uu u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Go’aankaasi waxaa diiday Golaha loo dhan yahay ee QM oo shir ka yeeshay go’aankaasi uu qaatay madaxwaynaha Maraykanka.