Safaaradda Maraykana ee Turkiga oo dib u bilaabeysa soo saarida visaha dalkeeda

1276
Reuters

Safaarada iyo Qunsiliyadaha Maraykanka ee dalka Turkiga ayaa dib u bilaabi doona soo saaridii visaha la siiyo dadka Turkida, kadib markii dawlada Turkiya ay sheegtay in ay ilaalin doonto amniga shaqaalaha safaarada Maraykana ee dalka Turkiga.

Maraykanka ayaa gabi ahaanba joojiyay soo saaridii visaha  aan ahayn qaxootiga markii mid ka mid ah shaqaalaha qunsiliyada Maraynka ay xirtay dawladda Turkiga bishii October.

Shaqaalaha ayaa loo xiray tuhun la xiriira in uu xiriir la leeyahay wadaadka Fetulah Gulan oo dawladda Turkigu ku eedeeysay in ka danbeeyay afganbigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykana ayaa sheegaty in ay ku kalsoontahay  xaalada amni ee isa soo tareysa. Isla markaana dawladda Turkigu ay u xaqiisay in aysan jirin cid shaqalaheeda ak tirsan oo baaritaan ku socdo.

Dhankeeda safaarada Turkiga ee dalka Maraynka ayaa dib u bilawday soo saarida visaha , iyada dhinaceeda soo dhaweysay tillaabada dib loogu soo celiyay dal ku galka labada dal.

Muranka in la isku diido visaha ayaa bilawday markii shaqaale ka tirsan diplomaasiyiinta Maraykanka lagu xiray dalka Turkiga taas oo keentay in Maraykanku uu joojiyo soo saarida visaha dalkeeda lagu galo.Turkina ayaa iyaduna tallaabo middaas oo kale ah qaaday.

Labada dal ayaa wixii xiligaas ak danbeeyay soo saarin visaha labada dal.