Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku guuleysatay in dowladda Sacuudiga ay xayiraadda ka qaado dhoofinta xoolaha Soomaaliya.
Nuur Maxamad Xasan, oo ah Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Sheegay in arrintaan ay timid ka dib markii ay Kulamo wadahadal ah ay lagaleen boqortooyada Sacuudiga.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Sacuudiga ay ku qanciyeen in Xoolaha Soomaaliya ay yihiin kuwo caafimaad qaba islamarkaasna wararka sheegaya in xoolaha ay xanuunsanyihi ay been abuur yihiin.
“Dadka Soomaaliyeed boqolkiiba Sideetan waa xoolo dhaqato dhaqaalaha waddanka waxaa uu ku tiirsanyahay boqolkiiba afartan xoolaha, dowladda Sacuudiga waxaa ay sheegtay in xoolaha Soomaaliya ay jiran yihiin, balse,wasaaradda waxaa ay xaqiijisay in cudur aysan qabin xoolaha shirar ayaan la yeelanay waxaana ku guulaysannay in xoolaha laga qaado xayiraadda” ayuu wasiirka Xanaanada Xoolaha ka dhawaajiyay.
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolaha uga imaan jiray Soomaaliya waxayna xayiraaddaas ay ku macneysay in xoolaha ay qabaan cudurro.