Sacuudiga oo soo riday Gantaalo Yemen laga soo tuuray

461

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada Cirka dowladdaasi ay soo rideen gantaalo laga soo tuuray dalka Yemen.

Gantaalada ayaa la sheegay in ay soo tuureen kooxda Xoothiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen.

Ciidamada Cirka dowladda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo rideen ilaa iyo 6 gantaal oo qaarkood Ku wajahnaa magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudi Carabiya.

Wararku waxaa ay intaa Ku darayaan in gantaalada qaarkood ay geesteen wax yeelo nafeed.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ay hogaanka u haaya duulaan dhanka cirka ah oo lagu haayo kooxda Xuuthiyiinta.

SHARE