Dacwad ogaaha Guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in dilka Suxufiga Jamal Khashoggi ee lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul horey loo sii “qorsheeyay”, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Sacuudiga.
” Macluumaadka laga helay mas’uuliyiin Turkiga ayaa tilmaamaya in falka dadka looga shakisan yahay dilka Khashoggi la sii “qorsheeyay'” ayuu yiri dacwad ogaaha Guud ee Sacuudiga.
Sacuudiga ayaa toddobaadkaan qirtay in Jamal Khashoggi lagu dhex dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Jamal Khashoggi – oo ah qoraa Sacuudiga u dhashat, Mareykanka kana deganaa, sidoo kale wargeyska Washington Post qoraa ka tirsanaa – ayaa galay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii Oktoobar si warqado nikaax uga soo samaysto.
Kaddib dhawr toddobaad oo ay beenisay in ay wax lug ah ku leedahay suxufiga la waayay, ayaa Sacuudigu ugu dambayn qirtay dilka Khashoggi iyo in sidoo kale dilkiisa la sii qorsheeyay’ iyadoo ilaa iyo hadda la helin maydkiisa.