Sacuudiga oo marti-galiyay shir looga hadlayo qalalaasaha dalka Urdun

781

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa martigalisay shir gobaleed looga hadlayay qalalaasaha dhaqaale ee ka taagan dalka Jordan/Urdun.

Shirka waxaa uu ka dhacay magaalada bakakaysan ee Maka Al-Mukarama, waxaana dhaqaale ballaayiin doolar ah loogu yabohay dalka Jordan si wax looga qabto qalalaasaha dhaqaale ee dalkaasi.

Shirka waxaa ka qayb galay boqorka dalka Sacuudiga boqor Salmaan ,   boqor Cabdullah II, labaad ee dalka Urdan  Amirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah iyo dhaxal sugaha  Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Dalka boqortooyada Haashimiyiinta Urdun ayaa ah mid dhaqaalihiisu uu Ku tiirsan yahay kaalmada uga timaadda dalalka Qaniga ah ee Khaliijka ayadoo sanadkiiba ka heli jiray $1.25bn.

Dalka Urdan ayaa ah mid micno wayn ugu fadhiya dalalka Carabta mise aan dhahno guud ahaan caalamka Islaamka maadaama uu yahay dalka maamula Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Ka dib Gugii Carabta ee ay Ku baxeen hogaamiyaal Carab ah dalalka qaniga ah ee Khaliijka ayaa go’aansaday in boqortooyooyinka Jordan/Udun iyo Morocco inay 5-tii sano ay siiyaan Adduun lacageed oo dhan $5bn.