
Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay muddo 35 sanno ah waxaa ka furmayaa 18ka bishaan Abril, shinoomooyinka loo daawashada taggo. Filmka ugu horreeya ee laga daawan doono ayaa ah Black Panther.
Arrinta aya qeyb ka ah heshiis lala galay shirkada ugu wayn aflaanta ee ,AMC, taasi oo qorshaynaysa in ay ka furto maagaalooyinka Sacuudiga 15 shinneemo shanta sanno ee soo socota.
Sanadkii la soo dhaafay, ayaa loo arkayay in ay aad u bilaabatay saamaynta madaadalada Sacuudiga taasi oo qeybka ah aragtida sanadka 2030-ka.
Qorshahaan ayaa qeyb ka ah dib u habaynta dhanka dhaqaalaha iyo bulsho ee uu waddo boqor Maxamed bin Salmaanka Sacuudiga. Sacuudiga ayaa laga xiray shaneemooyinka sandkii 1970-kii.