Sacuudi Carabiya ayaa ku tilmaantay eedeymaha ah in ay ka dambaysay dilka Suxufiga Jamal Khashoggi loogu geystay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ” Been abuur iyo eedeymo aan jirin”.
Wasiirka arrimaha gudaha Abdulaziz bin Saud bin Naif bin Abdulaziz ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay Sacuudiga, taasi oo imaanaysa 11 maalmood kaddib markii Suxufiga Khashoggi uu galay qunsuliyada Sacuudiga ee ku leeyahay magaalada Istanbul dib aan loo arag.
Turkiga ayaa sheegay in Suxufi Jamal Khashoggi lagu dilay qunsuliyada dhexdeeda.
Ilo wareedyo ka tirsan Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in saraakiisha ay haystaan cadeymo maqal iyo muuqaal ah oo caddeeynaya dilka Jamal Khashoggi.
Sacuudiga ayaa sheegtay in Suxufi aadka u naqdiya dowladda,uu ka tagay dhismaha qunsuliyada wax yar kaddib markii uu yimid 2-dii bisha October.
Dhacdada Suxufiga caanka ah ee Jamal Khashoggi oo u dhashay dalka Sacuudiga oo toddobaadkii hore lagu waayay kaddib markii uu galay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa aad looga hadlay meel badan oo dunida ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay iyo hoggaamiyaal kale oo dunida ah ayaa aad uga hadlay oo cambaareeyay xaalada murugsan ee Suxufiga Jamal Khashoggi.