Sacuudiga iyo Qatar oo heshiis ka gaaraya xiisadda Khaliijka

151
Aamiirka Qatar Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani oo wadahadal kula yeeshay Doxa Arabacadii Taliyahaha Madaxweyne Trump ee Jared Kushner [QNA]

Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku dhow yihiin inay heshiis hordhac ah ka gaaraan si loo soo afjaro muranka soo jiitamayay ee xiisada gobolka Khaliijka ee iska soo horjeeday muddo ka badan saddex sano, ilo-wareedyo ayaa u sheegay Telefishinka Al Jazeera.

Heshiiska la filayo ayaa yimid kadib markii la taliyaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jared Kushner uu gaaray gobolka Khaliijka isagoo qeyb ka ah dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo xiisadda Khaliijka, ka hor inta uusan maamulka Trump xafiiska ka tagin bisha Janaayo.

Safarka Kushner waxaa ka mid ahaa kulammo uu la yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan magaalada Riyadh horraantii toddobaadkan, iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Doha Arbacadii. Kushner markii uu ka tagay Qatar, sida ay ogaatay Al Jazeera.

Arbacadii, Wargeyska Wall Street Journal (WSJ) ayaa soo xigatay saraakiil Mareykan ah oo sheegaya in muhiimada ugu weyn ee wadahadalka uu noqon doono xalinta muranka ka dhashay ogolaanshaha in diyaaradaha Qatar ay maraan hawada Sacuudiga iyo Imaaraadka (UAE).

Telefishinka Bloomberg ayaa ku warantay in heshiiskan aysan qeyb ka noqon doonin Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar, kuwaas oo ay weheliyaan Sacuudi Carabiya sameysteen afar qaybood oo ka mid ah dalalka go’doominayay Qatar.

Bishii Juun 2017, afar geesoodka ayaa jaray xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee uu la lahaa Qadar wuxuuna ku soo rogay xayiraadda dhulka, badda iyo cirka ee waddamada Khaliijka, iyagoo ku eedeeyay Doha inay taageerto argagixisada iyo inay xiriir la leedahay Iran oo loo arko inay aad isugu dhow yihiin.

Doha ayaa si isdaba joog ah u diiday eedaymaha oo ay ku tilmaamtay inay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn halka ay muujisay inay diyaar u tahay wadahadal.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa xaqiijiyay labo todobaad ka hor in Doha ay soo dhaweyneyso wadahadal inta uu ku dhisan yahay ixtiraamka madaxbanaanida Qatar. Wuxuu sharraxay in labada dhinac midkoodna uusan ka faa’iideysan sii socoshada xiisadda Khaliijka.

Si looga qaado xayiraadda, afarta waddan ayaa u dejiyay Qatar 13-qodob oo kama dambeys ah, oo ay ku jirtay xiridda Telefishinka Al jazeera Media Network.

SHARE