Sacuudiga iyo Imaaraadka oo duqeymo cirka ah ka fuliyay qeybo ka mid ah caasimada Sanca ee Yemen

116
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen. Reuters

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee la dagaalamaya fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa lagu soo waramayaa inay duqeymo cirka ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah caasimada Sanca, saacado kadib markii qaraxyo lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee ugu weyn magaalada Cadan ee koonfurta dalka Yemen oo ay ku dhinteen ugu yaraan 26 qof.

Isbahaysigu wuxuu ku qaaday weerarada cirka habeenimadii garoonka diyaaradaha Sanca, iyo laba goobood oo Xuuthiyiinta ay degan yihiin oo ku yaal Rima Hamid ee degmada Sanhan iyo Wadi Rjam oo ka tirsan degmada Bani Hashish oo ku taal koonfurta Sanca, sida laga soo xigtay TV-ga Xuutiyiinta ee Al Masirah.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo ilaa iyo hadda la soo sheegay.

“Waxaa jira in ka badan siddeed weerar oo la qaaday,” ayuu yiri Mohammed Al Attab, oo ka soo warramaya Sanca, oo ah Suxufi ka tirsan Telefishinka Al Jazeera.

António Guterres, oo ah madaxa QaramadaMidoobay, ayaa cambaareeyay weerarkii “foosha xumaa” ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Cadan, kaas oo yimid daqiiqado kadib markii ay soo caga dhigatay diyaarad siday xubno ka tirsan golaha midnimada ee dhawaan uu taageeray Sacuudiga.

Saacado kadib weerarka, qarax labaad ayaa laga maqlay agagaarka madaxtooyada Cadan ee Maasheq halkaas oo xubnaha golaha wasiirada oo uu kamid yahay Raiisul Wasaaraha Yemen Maeen Abdulmalik, iyo sidoo kale safiirka Sacuudiga ee Yemen, Mohammed Said al-Jaber, loo qaaday si amaankooda loo sugo, dadka deegaanka iyo dadka deegaanka sida warbaahintu sheegtay.

Labo xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka midna waa la la’yahay, ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay ICRC.

Raiisel Wasaare Abdulmalik wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golaha wasiiradu ay “bad qabaan”. Wuxuu ugu yeeray weerarada “khiyaano” iyo “fulaynimo”.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka khasaaraha badan dhaliyay. Xuutiyiinta oo la safan Iran ayaa beeniyay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka.

Xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa markii dambe sheegay inay soo rideen diyaarad Drone ah oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay taasoo bartilmaameedsaneysay xarunta madaxtooyada.

SHARE