Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa is dhaafsanaya booqashooyin diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labadaasi dowladood ee Dariska ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iiraan Javad Zarif, ayaa sheegay in dowladdiisa iyo dowladda Sacuudi Carabiya ay dhowaan is dhaafsan doonaan booqashooyin diblamaasiyiinta ay Ku Kala bixinayaan labada dal.
Waraysi uu bixiyay wasiirka ayaa waxaa uu Ku sheegay in talabadaasi ay tahay mid lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadda Ku salaysan ee ka dhex aloosan Sacuudiga iyo iiraan.
Wakaaladda wararka dalka Iiraan ayaa Ku warantay in Dal Ku galka diblumaasiyiinta la diyaariyay.
Waxaa la filayaa in talaabadan la qaadi doono ka dib marka lasoo gebagebeeyo Xajka Sandakan gaar ahaan dhammaadka Isbuuca koowaad ee bisha soo aadan ee September ee Sandakan.
Khilaafka Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa gaaray meeshii ugu saraysay ka dib markii la weeraray safaaradda Sacuudiga uu Ku leeyahay Magaalada Caasimadda ah ee Tehran.
Labada dowladood ayaa midba midda kale Ku eedaynaya inuu carqaladaynayo ammaanka barriga Dhere iyo inuu taageerayo kooxaha argagaxisada ee ka dagaalama dalalka Yemen, Suuriya iyo Ciraaq.