Sacuudiga: Amiir Talal bin Cabdulcaziz oo geeriyooday

621
Amiir Talaal bin Cabdulcaziz ayaa ku geeriyooday da'da 87. Sawirka: Reuters

Amiirka Sacuudiga Talal bin Abdulcaziz, oo taageero wayn u ahaa dib u habaynta Boqortooyada Sacuudiga, ayaa geeriyooday. Waxa uu ahaa 87 jir, sida ay sheegtay maxkamadda Boqortooyada Sacuudiga sabtidii.

Amiir Talal, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan qoyska al- Sacuud sidoo kalena ahaa Aabaha maalqabeenka Alwaleed bin Talal, ayaa xanuunsanaa muddo dhawr sanno ah.

Waxaa uu dowladda Sacuudiga ka soo qabtay xilal sare oo kala duwan sanadihii 1950 iyo 1960, isagoo soo noqday wasiirka Isgaarsiinta iyo wasiirka Maaliyadda.

Waxaa uu ma saafuris ugu nolaa dibadda sanadkii 1960-kii, markii dowladda Sacuudiga ay kala wareegtay passport-kiisa kaddib markii koox amiiro ah oo uu hogaaminayay ay dalbadeen in dastuurka dib u habayn lagu sameeyo iyo inuu xullafo la noqday madaxweynihii Masar Gamal Abdel Nasser, oo ka soo horjeeday Boqortooyada Sacuudiga.

Amiir Talaal waxa ay walalo ahaayeen boqor Salmaanka hadda xukunka haya.

Waxa uu Sacuudiga ku soo laabtay kaddib markii boqor Faisal bin Abdulcaziz al-Saud uu xukunka la wareegay sanadkii 1964.

Waxa uu sidoo kale aad uga soo horjeeday siyaasadda dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, isagoo markii amiiro badan oo wiilkiisa uu ku jiro markii la xiray sanadkii hore uu cuntada ka soomay taasina ay keentay inuu xanuunka u nuglaado, sida warbaahinta carabtu a qortay.

Amiir Talaal ayaa sidoo kale u ololayn jiray dumarka Sacuudiga in la siiyo xuquuq badan oo ah in ay shaqeeyaan iyo in loo oggolaado in ay wadaan baabuurta.