Saciid Deni oo loo doortay Madaxweynaha Puntland

48

Garowe – Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta loo doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Soomaaliya ee 5 sanno ee soo socota.

Saciid Cabdullahi Deni oo tartan adag la galaxy 21 musharax oo u taaganaa xilka Madaxweynaha Puntland ayaa wareegii Saddexaad ku guulaystay codad dhan 35, halka Asad Cismaan Cabdullahi oo ahaa musharaxa labaad ee ugu codadka badanaa uu helay 31 cod. Asad waxa uu ahaa sidoo kale musharaxa ugu da’da yar musharaxiinta xilka Madaxweynaha u tartamayay. 66 Xildhibaann ayaa codkooda ka dhiibtaan doorashada Madaxweynaha Puntland.

Saciid Deni oo horrey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadceliyay musharaxiintii xilka kula tartamay iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha xilka ka tagaya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si wayn loo saadaalinyay in uu doorashada ku soo baxo ayaa ku haray wareegii kowaad isagoo helay 8 cod.

Madaxweyne Gaas ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay.

SHARE