R/wasaare Khayre oo Eng. Saadiq C/laahi u magacaabay wasiirka howlaha guud

849

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay xilkaan Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi maanta oo taariikhdu tahay 22-ka Bishaan Agoosto 2017-ka.

Xilkaan ayaa banaanaa in muda ah kadib markii la dilay Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska Cabaas Sheekh Cabdullahi Siraaji.