R/wasaare Khayre oo dhigiisa Itoobiya kala hadlay sii daynta Maxaabiis Soomaaliyeed

881

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhiggiisa Dalka Itoobiya Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee (SONNA) war ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu Khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Labada masuul ayaa waxa ay si weyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodii dib ugu heli lahaayeen Maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli ku jira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Maxaabiistan labada Dowladood ay isku afgarteen siideyntooda ayaa warar hordhac ah oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu ku jiro Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorta Bartamaha) oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u garanayaan.

Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo 50 sano-jir ah ayaa laga xiray magaalada Addis Ababa bishii November 2013, iyadoo lagu eedeeyay waxa loogu yeero Argagaxiso, waxaana lagu xukumay muddo 27 sano.

Dowladda Itoobiya ayaa dhowaan waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis ka badan 100 qof, kuwaasi oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.