Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Saaxiibada beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay.
Shirkaan uu Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diirada lagu saaray arrimaha Doorashooyinka iyo hirgelintooda, dhaqaalaha iyo hannaanka Maaliyadda, amniga guud iyo amniga Doorashooyinka dalka iyo taageerada dhaqaale ee beesha caalamka siiso Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir ka sheegay sida ay uga go’atahay qabashada doorasho daahfuran iyo muhimmadda taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay doorasho loo dhan yahay oo daahfuran.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dowladda garab istaagan, taageerada dhanka amniga, dhaqaalaha iyo farsamada ahna ay sii wadi doonaan.