RW Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

560

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaadeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa in ololaha Doorasha ee Baarlamaanka ay toos u bilawdaan.