RW ku xigeenkii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

210

Aalla ha u naxariistee waxaa xalay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxman Jamac Barre.

Geerida Cabdiraxman Jamac Barre ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey wiilka uu adeerka u yahay Diriye Maxamed Siyad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia. Marxuumka ayaa waayadan danbe xanuunsanayey.

Cadiraxman Jamac Barre ayey da,diisu aheyd 79 sano.

Wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii kacaanka, isaga oo soo noqday ra’isulwasaare ku xigeen, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda.

SHARE