RW ku xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay danjiraha Denmark ee Soomaaliya

768

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta oo Tallaado ah  kulan la qaatay Safiirka dawladda Denmark, u fadhida Soomaaliya, gabadha la yirahdo Mette Knudsen.

Kulankan ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in dawladda Denmark, ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xusay in Soomaaliya, xaaladdeedu soo hagaageyso, islamarkaana haatan ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Denmark, u fadhida Soomaaliya Mette Knudsen, ayaa sheegtay in soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda uu kusoo jeediyay  indhaha Caalamka.

Waxaa ay intaa ku dartay in Denmark, ay  diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeystaan Soomaaliya.