RW Kheyre oo la kulmay ku xigeenka Ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya

584

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho ku xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula.

Kulanka oo ka dhacay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee Qaramada Midoobay ay ka waddo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya hormarka dalka iyo dadka.