RW Kheyre: ” Doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin waa in ay dalka ka dhacdaa”

579

Muqdisho – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay in doorasho xilligeeda ku dhacda dalka laga qabto. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in doorasho dadka inta badan ay isla oggol yihiin ay dalka ka qabsoomto, xilligeedana ay ku dhacdo.

“Dalkan waa inuu afarti sanaba mar uu doorasho galo, doorasha ay dadka intooda badan isla oggol yihiin, dadka ay quseyso doorashada oo dhan ama badankooda (stakeholders) ay qayb ka yihiin. Doorasha ayaa ka dhici jirtay dalkan waxay doontaba ha ahaatee waana tan na siisay sharciyadda aan ku joogno. Doorasha iney dhacda ayaa ka muhiimsan inta kale” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dalka in ay doorasho ka dhacdo ay ka muhiim tahay waxyaabo kale oo dhan. Halkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ka sbeegay mar uu khamiistii shir Guddoominayay kulanka Golahiisa wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku booriyay xubnaha Golah Wasiiradiisa uu shir kula jiray in hadda wixii ka dambeeya ay shaqadooduu noqon doono in ay isku dayaan sidii ay dalka u gaarsiin lahayeen dooorasho Ummadda Soomaaliyeed u dhan tahay, xasilloon, nabad ah, dadkuna ay qab ka noqdaan.

Halka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku soo aaday iyadoo maalmahaan dood kulul ah ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Qaranka ah ay taagnayd.

Sidoo kale xisbiyadda mucaaradka iyo bulshada caalamka ayaa dhawaan walaac ka muujiyay dib dhac ku yimaada doorashooyinka Soomaaliya in waqtigii loo asteeyay dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaban wayso.