RW Khayre & xubno ka tirsan golihiisa wasiirada oo booqday xeebta Liido

924

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa galabta booqasho ku tagay Xeebta Liido oo ku taalla degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Liido ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji  iyo xubno kale.

Xasan Cali Khayre ayaa halkaasi kula kulmay boqolaal dadweyne ah, oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo u soo nasasho tagay xeebta Liido.

Intii uu Xeebta Liido ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa aad  loo adkeeyay ammaanka, iyada oo wadooyinka halkaasi ka akdhow ay xireen Ciidamada ammaanka, loona diiday Gaadiidka ay wataan shacabka.

Dadkii uu la kulamay Ra’iisul Wasaare ayaa waxa uu wax ka weydiiyay xaalada dalka iyo sida ay muhim u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka tirsan shacabkii la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen hada dalka in uu ka soo kabanayo dhibaatooyin, waxayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan Dowladda, si loo gaaro horamaro kala duwan.