RW Khayre oo New York kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka (Sawiro)

1210
PM Kheyre meeting with Russian FM during UNGA

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Dalka Mareykanka, iyagoo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov, ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee  labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.

Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.

“Arrived in NY for 72nd Session of #UNGA to my first meeting with RussianFM #Lavrov on enhanced cooperation between #Somalia & @mfa_russia “https://t.co/HvRfIM8a5o

“New York ayaan soo gaaray si aan uga qayb galo  shirka 72 ee Q.M, markaygii ugu horaysay waxaan la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo aan kala hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka” ayuu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka

Dhinaca kale

#Lavrov and Somalia‘s PM #Khaire considered the ??settlement process.??FM expressed support for the anti-terrorist actions by #Somalia #UNGA https://t.co/xAkdxL2VDE

“Lavrov iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayadoo la quudaraynayo hagaajinta geedi-socodka xiriirka labada dal. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxaa uu qeexay inay Soomaaliya ay ka taageeri doonaan la dagaalanka al-Shabaab” ayaa lagu yiri war kooban oo Twitter-ka uu soo dhigay howl-galka Ruushka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

IMG_20170919_213325IMG_20170919_212537IMG_20170919_212533sawir-1-1-560x4202-6-640x480