Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay Carwada Bandhigga buugaagta Muqdisho, kaasi oo shalay oo Arbaco ahayd ka furmay Caasimadda.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa markii uu tagay xarunta uu ka socdo bandhigga buugaagta Moqdisho ka iib saday buugaag ay qoreen dad kala duwan oo dhalinyaro u badan,.
Mudane Khayre ayaa qoraayaasha dhalin-yarada ah ee buugagtaas waqtiga galay ku dhiiragaliyey iney sii wadaan wax qorista.
Khudbad ayuu ra’iisul wasaaruhu u jeediyey dadkii ka soo qeyb galay bandhiggan waxaana uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda.
Wuxuna ammaan ballaaran u jeediyey ka soo qeyb galayaasha iyo qaban qaabiya-yaasha carwada.
Dadka ka qayb-galay ayaa waxaa ay iibsanayeen buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo bandhigay carwada buugaagta.
Bandhigga buugaagta oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugaag kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo ku qoran qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan arrimaha qoyska iyo sidoo kale kuwa ku qornaa afka English-ka oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.