Ruuxii Adduunka ugu da’da waynaa oo geeriyootay

1061

KAGOSHIMA, Japan (UM)—Wararka laga helayo dalka Japan, ayaa waxaa ay sheegayaan in hawenay dhalatay dhalatay dhammaadkii Qarnigii 19-naad (19th century) ay Ku geeriyootay dalka Japan.

Haweenaydan ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ahayd ruuxii ugu da’da waynaa Caalamka.

Wakaaladda wararka ka soo baxda dalka Japan, oo la yirahdo Kyodo news agency, ayaa sheegtay in haweenaydaasi ay Ku geeriyootay da’da 117 sano.

Waxaa lagu magacaabi jiray Nabi Tajima, waxaana ay dhalatay sanadka markuu ahaa  1900, (Kun iyo Sagaal boqol).

Waxaa la Sheegay in shalay oo Sabti ahayd ay Ku geeriyootay Cisbitaal Ku yaala jaziiradda ay ka soo jeeday ee la yirahdo Kikaijima, oo ka tirsan dalka Japan.

Guinness World Records, oo ah hay’ad diiwaan galisa dadka ugu da’da wayn caalamka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay baarayay in haweenaydaasi ay ahayd qofka ugu da’da wayn Dunida iyo in kale.

Violet Brown, oo ahaa nin u dhashay dalka Jaziiradda ah ee Jamaica ayaa horay ugu geeriyooday da’da 117-sano jir, waxaana uu ahaa ninkii ugu da’da waynaa Adduunka.

Violet Brown, ayaa geeriyooday sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2017-kii, sida ay Ku warantay wakaaladda wararka Kyodo news agency.

Hay’adda diiwaan galisa dadka ugu da’da wayn Adduunka ayaa bishan aynu Ku guda jirno ee April, u aqoonsatay in Masazo Nonaka, oo dalka Japan u shalay uu yahay qofka ugu da’da wayn Adduunka.

Dadka ugu da’da wayn Adduunka ayaa waxaa ay Ku nool yihiin dalka Japan, ayadoo diiwaanka rasmiga ah ee Xukuumadda Tokyo uu muujinayo in tirada dadka da’dooda 100-ka sano dhaaftay kor u dhaafayaan  67,824 ( Lixdan iyo Toddobo kun Shan boqol iyo labaatan iyo afar).