Ruuxaani: Aflagaadada Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo idil

838
Ruuxaani: Aflagaadada Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo idil. (AP)

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa si weyn u cambaareeyay sida Faransiisku ula dhaqmayo Islaamka iyo taageerada uu reer Galbeedku ku siinayo sawirka farshaxanka ah ee lagu aflagaadeynayo Nabiga Muxammed (NNKH).

Madaxweyne Ruuxaani ayaa taageeraha reer Galbeedka ee falka uu ku dhaqaaqay Faransiiska ku tilmaamay mid aan akhlaaq ahayn oo caay ku ah Muslimiinta.

Kulanka golaha wasiirada oo Telefishinka laga baahiyay ayuu Madaxweyne Ruuxaani waxa uu yiri ” Xoriyadda waa in ay la socotaa qadarinta qiyamka iyo tixgalinta akhlaaqeed”. Galbeedku waa inay ogaadaan in Nabiga ay jecelyihiin dhammaaan Muslimiinta iyo dadka xoriyadda jecel ee dunida oo idil.

Dunida Muslinka ayaa waxaa hareeray caro ka dhalatay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxammed kaas oo keenay in la dilo Macalin iskool ku yaal Faransiiska oo ardaydiisa tusay.

Dilkaas ayaa sababay in Madaxweyne Macron uu si caro leh uga falceliyo taa oo keentay in caalamka  Islaamka looga arko aflagaado falcelinta Madaxweyne Macron.

Dalal badan ayaa ku baaqay in la qaadaco alaabada lagu sameeyo dalka Faransiiska maadaama loo gefay nabiga. Faransiiska ayaa ku baaqay inaan la qaadacin badeecadahooda, hase ahaate taasi ma joojin ololeha lagu qaadacayo alaabaha lagu farsameyo Faransiiska.