Ruushka: Shimbiro sababay shil diyaaradeed

102

Diyaarad Ruushka laga leeyahay oo 233 rakaab ah siday ay si degdeg ah ugu degtay garoon ku yaal meel ka baxsan magaalada Moscow oo ay ku dhufteen xayn shimbiro ah wax yar kadib markii ay kacday.

Wasaaradda Caafimaadka Ruushka ayaa sheegtay in qofna uusan ku dhiman shilka laakiin 23 qof ay dhaawacyo soo gaareen markii diyaarada Ural Airlines ee nuuceedu yahay Airbus 321 ay ka soo degtey garoon ku yaal koonfur-bari ee Moscow ka dib markii matoorkeeda uu ay waxyeelo ka soo gareen xayn shimbiro ah oo ku dhacay diyaarada.

Telefishanka dowladda wuxuu ugu yeeray socodka “mucjisada Ramensk” – Ramensk waa gobolka ay diyaaraddu ka soo degtay qiyaastii 0.62 mayl (1km) garoonka caalamiga ah ee Zhukovsky.

Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa qortay ilo wareedyo sheegaya in hal qof uu dhaawac culus soo gaaray.

Jariirada Komsomolskaya Pravda ayaa boogadisay duuliyaha diyaaraha Damir Yusupov iyadoo ku tilmaantay geesi, badbaadiyay nolosha 233 ruux, “ diyaaradana si taxadar leh ugu dajiyay meel bannaan isagoon isticmaalayn gabarbihii diyaaradu ku degi lahayd iyo matoorkii.

Dowladda Ruushka ayaa boogadisay iyadoo ku tilmaantay arrin mucjiso ah qaabka diyaaraddaan oo gubanaysa ay u degtay iyada ay badqabaan rakaabkii saaraanaa, sidoo kalena aysan burburin.

Diyaarada ayaa u socotay magaalada Simferopol ee Gobolka Crimea, ee Ruushku ku biiray sanadkii sanadkii 2014ka.

SHARE