Ruushka: Putin oo markale madaxweyne u tartamaya

1151
Madaxweyne Putin ayaa sheegay in u taagan yahay jagada Madaxweynaha Ruushka ee doorashada sanadka soo socda dhacaysa.Sawirka/EPA

(UM) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu u tartami doono doorashada madaxtinimo ee sandka soo socda ka dhacaysa dalka Ruushka.

Waxa uu ka sheegay hadalkaan mar uu kula hadlayay magaalada Volga ee Gobolka Nizhny Novgorod shaqallaha warshad baabuurta sameysa.

” Waxaan u taaganahay musharraxa jagada madaxweynaha Ruushka” ayuu yiri Mr Putin.

Madaxweyne Putin ayaa xukunka hayay laga soo bilaabo sanadkii 2000, isagoo oo Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaaraba noqday. Haddii uu ku guulaysto doorashada bisha Maarso ee sanadka soo socda dhacaysa waxa uu xilka hayn doonaa ilaa 2024-ka.

Gabadhada suxufiyada ah ee siyaasiga u xuubsiibatay Ksenia Sobchak, ayaa horey u sheegtay in ay u tartami doonto doorashada balse ra’yi aruurin la sameeyay ayaa sheegaysa in Mr Putin uu si fudud ugu guulaysan doono doorashada.

Ummadda Media