Ruushka oo sheegay inuu xoojinayo ciidanka Xoogga Soomaaliya

788
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov. Sawirka: AFP/Getty Images

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la xoojiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ula wareegaan Ammaanka Soomaaliya, islamarkaana ay kaga hortaggaan Weerarada joogtada ah ee dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sergey Lavrov Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Ruushka  ayaa sheegay in loo baahanyahay taageero rasmi ah oo la siiyo Ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa AMISOM si looga adkaado Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay cidda Ammaanka Soomaaliya sugikartaa ay tahay ciidamo Soomaali ah oo xooggan, islamarkaana heystaa qalabkii loogu tala galay.

Sergey Lavrov Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Ruushka ayaa yiri  “Xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Soomaaliya ee hadda,Ruushka waxaa uu ku darayaa kaliya in beesha caalamka sii waddo taageerrada Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM”

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sidda si wax looga qabto Argagixisada,Burcad Badeedda,kuwa dadka ka ganacsada iyo kuwa tahriibiya in taageero buuxda la siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in dowladda ruushka ay muujin doonto doorkeeda ku aadan waxkaqabashadda weeraradda Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya.

SHARE